Warsaxaafadeed kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed garabka uu hoggaamiyo madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si adag looga hadlay dhul boob ay sheegeen inuu ka socda xaruntii Kuliyadda Tababarka Abaanduulka ciidanka ee Axmed Gurey ee dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybaha xaruntii Jiifka Ardayda iyo Kulliyadda Caafimaadka.
Madasha Samatabixinta ayaa tilmaamtay in arintan ay tahay mid lid ku ah dowladnimada, amniga, mustaqbalka Waxbarashada dalka, iyadoona sidoo kale qoraalka Madasha lagu xusay in ciidamada iyo tacliintu yihiin aasaaska dawladnimada.
Warsaxafadeedka Madasha ayaa sido kale lagu sheegay dowladda Fedaraalka ay dayacday masuuliyadda ka saaran ilaalinta hantida guud, islamarkaana ay ogolaatay in lagu xad gudbo dhulkii shacabka iyo xarumihii tababarka iyo caafimaadka.
Qoraalka Madasha ayaa lagu yiri “Sida ku cad Qodobka 3aad ee Xeer Lam. 18, ee soo baxay 29 Jannaayo 1976, cidina milkiyad sharci ah kuma sheegan karto hantida dowladda oo ay ku jiraan dhulka danta guud, waxaana muuqata in baaqyadii kala duwan ee Madasha aan dheg loo dhigin”.
Madasha ayaa ku tilmaantay arrintan mid dhaawac weyn ku ah dowladnimada iyo qiimaha ciidanka iyo tacliinta, xilli dalka uu ku jiro dagaal adag oo lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish, iyaga oo dood ka keenay arimaha dagaalka.
Qoraalka ayaa lagu yiri: “Xaraashka kuliyaddii tababarka saraakiisha ciidanka, iyo tii caafimaadka, iyadoo dalku ku jiro dagaal argagixiso, waxay tilmaamaysaa in dagaalka Alshabaab iyo Daacish uusan muhiimad u lahayn dowladda, waxayna sawir kale oo dhab ah ka bixinaysaa caqliyada, hab-dhaqanka iyo fahamka Madaxweynuhu uu ka haysto dowladnimada, kaasoo ah hanti qabsi.”
Ugu dambeyntii, Qoraalka kaso baxay Madasha ayaa digniin loogu diray Madaxda dowladda Fedaraalka iyo ganacsatada lugta ku leh dhulalka, iyagoona ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo, loona soo celiyo dhulka shacabka iyo xarumaha waxbarashada..
HBN ONLINE TV