Madasha Mucaaradka oo ka digay Khataraha Siyaasadeed iyagoo shir degdeg ah ku dhawaaqay

Madasha Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee ku midaysan “Madasha-Samatabixinta” ayaa shir labo maalmood socday (30-31 Agoosto) ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyagoo ka soo saaray bayaan ka kooban 12 qodob oo digaya khataro waa weyn oo halis ku ah dowlad-dhiska iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeedka mucaaradka ayaa si toos ah u dhaliishay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh, waxayna ku eedeeyeen inuu ka leexday sida hadalka u dhigeen dagaalka argagixisada, ku mashquulay muddo kororsi iyo wax ka beddel aan sharci ahayn oo dastuurka dalka.

Xubnaha mucaaradka ah ayaa ku boorisay Madaxweynaha inuu ka laabto wax-ka-beddelkii sida hadalka u dhigeen sharci darrada ahaa ee dastuurka 2012, si dalka looga badbaadiyo qalalaase iyo is-maandhaaf dastuur.

Waxay sidoo kale xuseen in waqtiga ka harsan muddo xileedka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha laga heshiiyo doorasho la hirgelin karo, loo dhanyahay, ka fiican tii 2022, heshiisna lagu yahay.

Madasha ayaa si cad uga soo horjeestay xeerka doorasho, kan Xisbi iyo Guddiga Doorashooyinka, iyaga oo ku tilmaamay “shaati isaga ku jin ah” waxa Madaxweynuhu samaystay. Waxay su’aal geliyeen sababta luqunta la isugu suray doorashooyinka heer degaan, dowlad goboleed iyo federaal.

Madasha aaa diiday muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha oo waqtiga loo asteeyay uu ku egyahay 15-ka May 2026, iyaga oo bayaankooda ku yiri “Mashadu ma aqbali doonto muddo xileed dhaafsiisan doorashada Madaxweynaha waqtiga loo asteeyay ee 15-ka May 2026”.

Sidoo kale, Maamul goboleedyada uu muddo xileedkoodu dhammaaday ayey fareen in si degdeg ah u qabtaan doorasho loo dhanyahay, tartankeedu furan yahay oo heshiis lagu yahay.

Madashu waxay sidoo kale carrabaabtay inay ka walaacsan yihiin dhaawaca midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, sumcadda iyo haybada dowladnimada Soomaaliya, iyo adeegsiga ciidamada qaranka sida hadalka ay u dhigeen si loo burburiyo suuqyada ganacsiga, xarumaha caafimaadka iyo goobaha cibaadada.

Ugu dambeyn, Madasha ayaa sheegtay inay xil iska saarayaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka, waxayna ku baaqeen in si degdeg ah loo qabto shir dalka lagu samatabixinayo oo ay ka qayb qaataan dowlad maamullada Puntland iyo Jubaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed