Madasha mucaaradka ee dalka, oo loo yaqaan “Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed” ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay si adag ugu cambaareynayaan ciidamada ammaanka, kadib howlgal ay ku sifeeyeen guryo-bururin sharci-darro ah oo sababay dhimasho, kana dhacay magaalada Muqdisho.
Madashu waxay muujisay murugo ay ka qabto dilka Cabdullaahi Cabdi Raage, oo ahaa dhalinyaro ku noolaa xaafadda Buulo-Geesaale ee degmada Yaaqshiid, kaas oo la sheegay in lagu toogtay howlgal ay ciidamo dowladeed ka sameynayeen aaggaas. Waxay sheegeen in marxuumku ka mid ahaa qoysas nugul oo durba wajahayay khatar barakicin.
Madashu waxay sidoo kale ku eedaysay ciidamada ammaanka waxay ugu yeereen “ku xadgudub joogto ah”, oo ay ku jirto carqaladeynta shaqada suxufiyiinta. Waxay cambaareeyeen xarigga muuqaal duube Cabdullaahi Maxamed Cali (Saawey), oo la xiray isagoo duubaya guryaha la duminayo, laguna hayo Saldhigga Yaaqshiid iyadoo aan sharci loo cuskan.
Sidoo kale waxay dhaliileen xarigga Kaamil Cabdi Macow, oo ah shaqaale dowladeed, kaas oo ay sheegeen in si aan waafaqsaneyn sharciga loo xiray lagana hor istaagay xaquuqdiisa sharciga ah.
Madasha waxay sheegtay in falalkan ay tilmaamayaan tusaale khatar ah oo ka mid noqonaya ku takri-fal awood ciidan, dhaawacaya kalsoonida shacabka, kana hortagaya nidaamka sharciga. Waxay ugu baaqeen dowladda federaalka in ay joojiso sida hadalka u dhigeen barakicinta qasabka ah, isla markaana hubiso in ciqaab loo maro cid kasta oo ku kacda xadgudubyo ka dhan ah shacabka.
Ma jiro wax war ah oo illaa hadda ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama hay’adaha ammaanka oo ku saabsan eedeymahan culus ee ay soo jeediyeen mucaaradku.
Hbn Online Tv

