Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga oo noqonaya madaxweynihii labaad ee isla maanta ka soo degay garoonka.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ah ka qeyb galka shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmaya Magaalada Muqdisho, ayna qayb ka yihiin madaxda maamulada.
Galinkii dhexe ee maanta Muqdisho waxaa ka soo degay madxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kaasi oo qeyb ka shirka golaha madasha.
Horay waxaa u joogay Muqdisho madaxweynaha maamulka Galmudugu Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda yimaadaan madaxda dhiman.
HBN ONLINE

