Macalimiinta xarumaha waxbarashada ee magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, iyaga oo ka careysan maalinta macalinka aduunka in la xuso.
Waxaa isu soo baxaaan oo u abaabulnaa qaab mudahoraad ah ayey ku muujinayeen sida ay uga xun yihiin, isla markaana ay ku tilmaameen maalintan in ay tahay maalin madow.
Mudaaharaadka, oo loogu talagalay in lagu muujiyo arrimaha aan la xallin iyo dalabaadka macalimiinta ee aan weli la daboolin ayaa ku soo beegmay maalinta caalamiga ah ee macallimiinta adduunka 21-ka Nofembar oo sanad weliba dunida laga xuso.
Si kastaba ha ahaatee, barayaasha Muqdisho, maalintan waxaa ay u asteeyeen in cadaalad iyo isbedel la sameeyo, halkii ay u dabaal degi lahaayeen sanad farxadeed oo la isu tahniyadeeyo.
Macalimiinta gadoodka sameeyay ayaa dhaliilo u soo jeediyay wasaarada waxbarashada, iyaga oo soo bandhigay cabashooyin ka dhan ah hogaankeeda oo ay ku eedeeyeen sida hadalka ay u dhigeen inay dayacday baahiyahooda. Waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin siyaasadaha wasaaradda, waxayna dalbadeen dib u habeyn degdeg ah lagu sameeyo si wax looga qabto caqabadaha ay kala kulmaan.
Mudaaharaadkan ayaa hoosta ka xarriiqaya halganka ka socda Soomaaliya ee barayaasha, halka xaalad shaqo ee liidata ay ka jirto iyo cabashooyinka aan waxba laga qaban ay keentay in macalimiin badan ay dareemaan in la ilduufo. Dibad-baxayaashu waxay ku booriyeen mas’uuliyiinta inay mudnaanta siiyaan dalabaadkooda, isla markaana ay hirgeliyaan xalalka lagu horumarinayo xaaladda waxbarasho ee dalka.
Maalinta Macalimiinta Adduunka, oo ah xilliga loo mahadcelinayo barayaasha adduunka, ayaa maanta sidii laga filaayey iska bedeshay, ka dib markii madashu noqotay mid ay macallimiinta Soomaaliyeed kor ugu qaadaan codkooda oo ay caddaalad ugu raadiyaan xirfaddooda.
HBN ONLINE TV