Maamulladii ugu badnaa oo ka maqan shirweynaha Culimada ee Muqdisho

Shirweynaha 2aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa Maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la filayaa in afar cisho uu ka socon doono magaalada sida ay sheegeen masuuliyiinya Wasaaradda Diinta Soomaaliya.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta DFS ayaa sannadkan waxa ay culimadu ku falanqayn doonaan qodobo kala duwan oo ay ka mid yihiin xaqiijinta midnimadda ummadda, dhibaatooyinka khilaafka iyo kalatagga.

Shirkaan ayaa waxaa markii ugu horreysay ka maqan Wasaaradaha Awqaafta iyo arrimaha diinta ee Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug kuwaa oo sheegay in Wasaaradda Awqaafta & Arimaha Diinta DFS balan uga baxday, waxaana si isku mid ah u cadeeyeen in ay guud ahaanba joojiyeen wada shaqeynti kala dhexaysay Wassaradda.

Wasaaradda Awqaafta Galmudug ayaa sheegtay in aysan jirin cid ku matasha Shirka wadatashiga Culimada ee maanta furmay, Maadaama waxabana kala socon, Lana soo ogaysiin Shirkaas sida hadalka ay u dhigtay.

Sida oo kale shirka waxaa ka maqan maamulka seddexaad oo ah Puntland, iyada oo cilaaaqaadka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya uu xumaa sanaddadii ugu dambeyey.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed