Maamulka waqooyi Bari oo sheegay in aan dano siyaasadeed loo adeegsan karin ciidamadiisa

Maamulka Waqooyi Bari ayaa si cad u sheegay in aan marnaba loo adeegsan karin ciidamadiisa dano siyaasadeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dhexdhexaadnimada iyo doorka amni ee ciidamada.

Madaxweyne Cabdiqaadir Axmed Aw-cali Firdhiye oo maanta jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaalada siyaasadeed ee taagan, si gaar ah deegaanada Waqooyi Bari ayaa Baarlamaanka maamulkaasi wuxu la wadaagay xogihii ugu dambeeyey ee amni, difaaca iyo siyaasad.

Firdhiye ayaa tilmaamay in amniga iyo difaacu yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee dowladnimo, isagoo xusay in aysan jiri karin maamulka shaqeyn karta haddii aysan jirin amni sugan.

“Ma jiro dowlad jiri karta amni la’aan, mana jiro amni imaan kara ciidan la’aan,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in maamulka Waqooyi Bari uu qorsheynayo in la xoojiyo wada-shaqeynta ciidamada kala duwan ee ka howlgala deegaannada maamulka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay socdaan dadaallo iyo wadahadallo lagu doonayo in ciidamada Waqooyi Bari iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si wadajir ah oo isku duuban uga howlgalaan dhammaan deegaannada maamulkaasi.

Madaxweyne Firdhiye ayaa si adag uga digay in ciidamada iyo xogtooda loo adeegsado dano gaar ah oo siyaasadeed, isagoo yiri: “Waxaa si adag u sheegayaa in ciidanka iyo xogtiisa aan la siyaasadeyn karin, mana ogolaan doono in loo adeegsado dano gaar ah.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed