Maamulka Waqooyi Bari oo mamnuucay in hub lagu dhex qaato magaalooyinka

Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa maanta soo saaray wareegtay uu deegaannadiisa ka mamnuucay in cid aan ahayn ciidankiisa ay ku dhex qaataan hub, halka si guud dadka rayidka ah la tilmaamay in aan loo oggolayn hub nooc kasta.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa lagu faray Taliska Ciidanka Booliska inay si degdeg ah u fuliyaan amarkan, islamarkaana ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto iyadoo ku xadgudbaysa mamnuucidda hubka.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay in qof kasta oo jebiya amarkan la marsiin doono ciqaabta uu dhigayo sharciga amniga, halka hub kasta oo ay boolisku qabtaanna si rasmi ah ay ula wareegi doonto Waqooyi Bari.

“Qof kasta oo jabiya amarkan waxaa la marin doonaa ciqaabta uu mudanyahay, sida uu dhigayo xeerarka amniga ee dalka. Sidoo kale, hub kasta oo ay Ciidanka Boolisku qabtaan waxaa si rasmi ah ula wareegaysa Waqooyi Bari Soomaaliya” ayaa lagu yiri warka maamulka.

Go’aankan ayaa imaanaya iyada oo todobaadkii hore ay dagaallo qabaa’il oo ka dhacay deegaaanka Ari-cadeeye oo qiyaastii 30 kiiloomitir waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay ku dhinteen 21 ruux oo Caruur, Haween iyo dad da’ ah ku jireen—ayna dhaliyeen carro xooggan oo deegaanka ka bilaabatay. Tani waa talaabadii ugu horeysay oo maamulku qaaday, tan iyo 22-bishan Juun oo dagalku dhacay.

Mid kamid ah odaayasha dhaqanka Ari-cadeeye ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaaanka ay gaartay 28 ruux, isaga oo tilmaamay in laga baaqsan karay dhacdada.

Dhanka kale, waxaa war ka soo saaray dowladda Soomaaliya oo cambaareysay colaadda ka dhacday Aricaddeeye, iyada oo ku tilmaantay mid nasiib darro ah oo u dhexeysa laba maleeshiyo beeleed. Waxay ugu baaqday odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo waxgaradka deegaanka inay door muuqda ka qaataan daminta xiisadda iyo dhiirrigelinta wada hadal lagu soo afjaro colaadda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed