Maamulka Waqooyi Bari oo ka digay roobab xooggan & dabaylo ku soo wajahan deegaannadooda saacadaha soo socda

War digniin ah oo caawa ka soo baxay dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ayaa shacabka ku dhaqan gobollada iyo deegaannada maamulkaasi uga digay khataraha ka dhalan kara roobab xooggan oo wata dabaylo la filayo inay saacadaha iyo maalmaha soo socda ka da’aan deegaannada maamulka.

Sida lagu sheegay War Saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, waxaa saadaasha cimiladu muujinaysaa suuragalnimada roobab mahiigaan ah oo sababi kara daadad iyo fatahaado, kuwaas oo khatar gelin kara bulshada iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay sheegtay in la filayo dabaylo xooggan oo xawaarehoodu gaari karo 35 illaa 50 km saacaddii, kuwaas oo dhaawici kara guryaha jilicsan, geedaha waa-weyn iyo xarumaha adeegyada bulshada, sida ay baahisay warbaahinta maamulkaasi.

Bulshada ayaa loogu baaqay inay ka fogaadaan togagga iyo meelaha ay daadadku maraan, ayna yareeyaan safarrada aan muhiimka ahayn inta ay socdaan roobabka iyo dabaylaha. waxay kula talisay dadka reer guuraaga ah in xoolaha loo raro meelaha sare iyo in taxaddar dheeraad ah laga muujiyo korontada iyo dhismayaasha nugul.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Masiibooyinka Waqooyi Bari ayaa shacabka ugu baaqday feejignaan, diyaar garow iyo inay si joogto ah ula socdaan digniinaha iyo warbixinaha rasmiga ah ee laamaha dowladda si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara roobabka iyo dabaylaha la saadaaliyey.

HBN OLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed