Maamulka Waqooyi Bari oo doortay Guddoomiye cusub

Dr. Aadan Cabdullahi Aw-Xasan ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, wuxuuna ku soo baxay 53-cod, halka musharaxii kale ee la tartamay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod, hal cod ayaa xumaaday.

Goordhow waxaa bilaaban dooona doorashada Guddoomiye ku xigeennada, wakiiladda maamulka Waqooyi Bari oo si toos ah uga socota magaalada Laasacaanood.

Doorashadan ayaa loo arkaa talaabo muhiim ah oo horumarineysa hannaanka siyaasadeed iyo dowlad dhiska maamulka cusub ee waqooyi-bari Soomaaliya.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay agagaarka xarunta baarlamaanka si loo hubiyo xasilloonida.

Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in codbixintani tahay talaabo muhiim u ah maamulka cusub, maadaama Guddoomiyaha cusub uu door weyn ku yeelan doono dejinta mudnaanta sharci dejinta iyo xoojinta hannaanka dowladnimo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed