Xiisad xooggan ayaa weli ka taagan gobolka Sanaag kadib dilkii Nabadoon Cumar Cabdillaahi oo duqeyn diyaaradeed loogu geystay deegaanka Ceelbuh. Arintan ayaa si weyn u kicisay mudaharaadyo iyo hadal hayn siyaasadeed oo ka dhex aloosan bulshada iyo masuuliyiinta gobolka.
Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laasacaanood, iyaga oo si adag uga hadlay dilka Nabadoonka. Waxay sheegeen in dhacdadaasi ay tahay mid mugdi badan ku jirto, islamarkaana ay ku qasban yihiin in Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ay bixiso jawaab cad.
“Dowladda Federaalka waxaan ka rabnaa war cad, dalka iyadaa mas’uul ka ah, duqayn aysan ogayn lama fulin,” ayuu yiri Xildhibaan Guuleed Maxammed Nuux, oo ay garbihiisa taagnaayeen ilaa 9 xildhibaan oo kale oo taageerayay hadalkaas.
Xildhibaanadu waxay ku adkeysteen in mas’uuliyadda ugu weyn ee dhacdadan ay dusha ka saaran tahay dowladda dhexe, iyaga oo sheegay in shacabka gobolka ay doonayaan cadaalad iyo in la cadeeyo cidda ka dambeysa weerarka lagu dilay Nabadoonka, si aanay cadaawad kale u abuurin.
HBN ONLINE TV