Maamulka Waqooyi Bari oo bilaabay diiwaangelinta doorashada qof iyo cod

Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta si rasmi ah looga bilaabay diiwaangelinta codbixiyeyaasha ka qeybgalaya doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaya.

Munaasabadda furitaanka diiwaangelinta waxaa ka qeybgalay wasiirro ka socda Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari iyo xubno ka tirsan Golaha Wakiillada ee maamulka, kuwaas oo bulshada la galay safafka dhaadheer si ay u qaataan kaararka codbixinta, una diyaargaroobaan doorashada.

Mdaxweyne Cabdirqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo hadlay ayaa ku tilmaamay in Kadib 56 sano oo sugitaan ah, shacabka ay ugu dambeyn heleen awooddii ay codkooda ku doortaan hoggaankooda.

“Waa rabitaankii shacabkeena, waa doonistii bulshadeena, waa xaquuqdii muwaadinka Soomaaliyeed oo deegaannadaan maanta si dhamaystiran uga hirgalay” ayuu yiri madaxweyne Firdhiye.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay yool istiraatiiji ah oo guddigu gaadhay, maadaama maanta doorashooyinka dalka si rasmi ah looga hirgeliyey gobolka Sool.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay marayaan marxaladdii ugu dambeysay maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, halka gobolka Banaadir ay horay uga xirmeen goobaha diiwaangelintu.

Waxaa la filayaa in dhammaadka bisha Oktoobar la qabto doorashada maamulka gobolka Banaadir, taas oo lagu diyaariyey in ka badan 800 goobood oo ay ku coddeynayaan ku dhawaad hal milyan oo ruux.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed