Maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray xaaladda ilaalinta ku-meelgaarka ah (Temporary Protected Status – TPS) ee kumannaan Soomaali ah oo ku nool Mareykanka, waxaana lagu wargeliyay inay dalka ka baxaan ugu dambeyn 17-ka Maarso, sida ay werisay Fox News.
Go’aankan ayaa yimid kadib hadallo taban oo Trump bilihii la soo dhaafay ka jeediyay Soomaalida ku nool Mareykanka, gaar ahaan kuwa deggen gobolka Minnesota, inkastoo ay ku jiraan muwaadiniin Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah.
Bishii Nofeembar, Trump ayaa ballan qaaday inuu si degdeg ah u joojin doono ilaalinta ku-meelgaarka ah ee laga ilaaliyo masaafurinta Soomaalida ku nool Minnesota, oo ah gobol ay ku nool yihiin tiro badan oo Mareykan ah oo asal ahaan Soomaali ah.
Trump ayaa xilligaas ku tilmaamay Minnesota “xarun lagu sameeyo lacag-dhaqid khiyaano ah” xilligii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Dimuqraadiga ah Tim Walz, isagoo ka jawaabaya warar aan la xaqiijin oo ay dib u faafiyeen warbaahin iyo xildhibaano Jamhuuri ah, kuwaas oo sheegayay in kooxda Alshabaab ay ka faa’iideysatay khiyaano lacageed oo ka dhacday Minnesota.
Fox News ayaa Talaadadii soo werisay in Mareykanku gebi ahaanba joojinayo xaaladda TPS-ka ee Soomaalida dalka oo dhan, iyadoo Wasiirka Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ay bayaan u dirtay Reuters ku sheegtay in “xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay heer aysan mar dambe buuxin shuruudaha Xeerka Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah.”
Sidoo kale, Fox News oo soo xigatay ilo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mareykanka (USCIS) ayaa sheegtay in 2,471 muwaadin Soomaali ah ay haatan ku sugan yihiin Mareykanka iyagoo haysta TPS, halka 1,383 kale ay codsadeen balse aan weli laga gaarin go’aan.
Dhanka kale, Hay’adda Cilmi-baarista Congress-ka ee aan xisbi ahayn (Congressional Research Service) ayaa sheegtay in xogta sanadka 2025 ay muujisay in 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya ay ku nool yihiin Mareykanka iyagoo haysta Xaaladda Ilaalinta Ku-Meelgaarka ah (TPS).
HBN ONLINE TV

