Maamulka Trump oo qaaday tallaabo culeys ku ah Soomaalida Mareykanka

Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu sameynayo eedeymo sheegaya in canshuuraha laga ururiyo gobolka Minnesota loo weeciyo kooxda hubeysan ee Alshabaab ee Soomaaliya.

Scott Bessent ayaa ku dhawaaqay baaritaanka maalmo, kaddib markii madaxweynaha waddankaasi uu Minnesota ku tilmaamay “xarun dhaqaalaha sharci darrada ah iyo lacag dhaqidda lagu sameeyo”, go’aan lagu sifeeyey beegsi qowmiyadeed oo si gaar ah Soomaalida loogu bartilmaameedsanayo.

“Waanu idinla wadaagi doonnaa natiijooyinkeenna inta uu baaritaanku socdo,” ayuu intaa raaciyay.

Xildhibaanno dhowr ah oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa warbaahinta la wadaagay warar oo aan la xaqiijin oo sheegaya in Shabaabku ay ka faa’iidaysteen khiyaanooyin xagga maaliyadda ah oo laga geystay gobolka Minnesota.

Wareysi uu bixiyay Axaddii, Tim Walz, barasaabka gobolkaasi, waxa uu ku qirtay in Minnesota ay soo jiidatay dambiilayaal, balse wuxuu ku adkeystay in la maxkamadeeyo marka la qabto.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed