Maamulka Trump oo ka fakaraya in la furo dacwad la xiriirta ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee dalka Afgaanistaan

Masulliyiinta maamulka madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa lagu soo waramayaa in ay ururinayaan liiska saraakiisha sarsare ee horey xilalka u soo qabtay iyo kuwa hadda ee Maraykanka ah ee sida tooska ah ugu lug lahaa wax lagu tilmaamay “ixtiraam la’aantii” ay ciidamada Mareykanka uga soo baxeen Afgaanistaan si looga baaraandego suurtagalnimada ah inay saraakiishaas wajihi karaan maxkamad militari.

Kooxda Trump ayaa ka fakaraya in la sameeyo guddi baaritaan ku sameeya ka bixitaankii Afgaanistaan ee sanadka 2021, sida uu maanta tabiyay telefishinka NBC News ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

Dadaalkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo aqoonsan lahaa kuwa sida tooska ah ugu lug lahaa geeddi-socodka go’aan gaarista, waxaa kale oo qayb ka ah in la baaro sida loo fuliyay bixitaankaas, iyo in la go’aamiyo in hoggaamiyeyaasha milatarigu ay suurtagal tahay in ay wajihi karaan eedeymo ay ku jiraan khiyaano qaran, ayaa lagu yiri warka uu baahiyay telefishinka oo soo xiganeyaa sarkaal Mareykana iyo ilo xog ogaal ah.

NBC News ayaa sheegay in Matt Flynn oo soo noqday kaaliyaha Xoghayaha Difaaca Mareykanka uu horseed u noqon doono qorshaha baaritaanka la doonayo in la bilaabo.

Joogitaanka Mareykanka ee Afgaanistaan, oo soo bilowday Oktoobar 2001-dii, ayaa soo afjarmay 20 sano ka dib markii ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi sanadkii 2021-kii.

Qanuun-dajiyayaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa maamulka Biden ku eedeeyay bixitaanka ciidamada oo ay ugu yeereen mid “guuldaraystay” iyo qaska ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul, xiligii ciidamada baxayeen.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed