Hoggaanka Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee SSC-Khaatumo ayaa digniin culus u diray hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala deegaanada maamulkaasi, isagoo ka dalbaday in la diwaan galiyo 30-ka April 2024, hadii ay u hogaansami waayaana waxaa lagu mutaysan doonaa ganaax iyo tallaabooyin ciqaabeed, sida lagu sheegay bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in la diiwaan geliyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegaanada SSC-Khaatumo. Talaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xaqiijiyo isla xisaabtanka, daah-furnaanta, iyo nidaaminta saxda ah ee howlaha maamulkaas.
“Hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegaanada SSC-Khaatumo ee aan wali la diwaangelin waxay la kulmi doonaan ciqaab, ganaax iyo ganaaxyo kala duwan,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, waxay iftiimiyeen inay la kaashanayaan Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka SSC iyo Khaatumo (SCKH) oo qiimayntii ugu horreysay ee colaadaha ka dib. Qiimayntan oo ay soo diyaarisay SCKH ayaa ujeedadeedu tahay in si rasmi ah loo diiwaan geliyo baahiyaha jira iyo soo jeedinta xal u helida caqabadaha ka jira deegaanada SSC-Khaatumo.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay hoosta ka xariiqday wada shaqeyn ballaaran oo ka dhaxeysa Qorsheynta SSC-Khaatumo iyo Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Federaalka Soomaaliya. Iskaashigan, gaar ahaan ka muuqda diyaarinta Qorshaha Horumarinta Soomaaliya, ayaa ka tarjumaysa hadafka la wadaago ee horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqada dalka oo dhan.
HBN NEWS DESK