Maamulka Puntland ayaa si adag uga jawaabay eedeymo dhawaanahan loo jeedinayey oo la xiriira boobka iyo qodis lagu tilmaamay sharci-darro macdan, gaar ahaan gobolka Bari, xilli ay xubno mucaarad ah ay sheegeen in ay jiraan heshiisyo gaar ah oo dhinaca macdanta ah oo lala galay shirkado ajnabi, iyadoo aan la marin nidaamka dowladda.
Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wareysi uu sii warbaahinta ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn, isagoo ku tilmaamay “been abuur lagu marin habaabinayo” dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish ee Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiir Caydiid ayaa sheegay in ay jiraan dad si gaar ah uga qota macdan – gaar ahaan dahab – deegaannada Puntland, laakiin Puntland ahaan aanay lug ku laheyn wax qodis ah ama baaritaan toona. Wuxuu si gaar ah u xusay in meelaha sida gaarka ah looga qoto macdanta ay yihiin Laas-Qoray oo Puntland ah iyo Meydh oo Somaliland.
Dadkan ayuu ku sheegay inay isugu jiraan kuwa deegaanka ah iyo kuwo ka yimid meelo kale, kuwaas oo ka shaqeysta, ayna xaq u leeyihiin. “Puntland ma qoddo macdan, mana baaro” ayuu yiri Caydiid, balse wuxuu carrabaabay in Puntland ay dhiirrigeliso dadka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan khayraadka dalka si sharci ah oo nabdoon.
Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo horraantii todobaadkan maamulka Puntland lagu eedeeyey in uu wado qorshe loogu xirayo qandaraas macdan oo lala galay dalka Imaaraadka Carabta, mid si gaar ah loola xiriirinayo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, inkasta oo eedeymahaasi aanay si rasmi ah uga jawaabin madaxtooyada, haddana wasiirka warfaafinta ayaa u muuqda mid jawaab u ah hadalladaasi.
HBN ONLINE TV