Maamulka Puntland ayaa muddeyay xilliga la qabanayo degmooyinkii ka haray doorashada Golaha Deegaanka ee sanadkii hore, isla markaana shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee la bilaabayo.
Doorashada qof iyo cod Golayaasha Deegaanka degmooyinka Garowe, Dangoroyo iyo Godab-jiiraan ee Gobolka Nugaal ayaa la isku raacay in la qabto bisha Agosto sanadkan 2024, kaddib shir ay yeesheen madaxweynaha Puntland Saciid deni, kuxigeenkiisa iyo madaxda 8 xisbi siyaasadeed eemaamulkaas.
Sanadkii hore ayaa qorshaha ahaa in la qabto doorashada qof iyo cod ee saddexdan degmo, hase yeeshee khilaaf siyaasadeed oo xilligaas taagnaa darteed ay dib ugu dhaceen doorashooyinkii la qabtay sanadkaas, kuwaas oo si weyn ay ugu loolameen axsaabta siyaasadeed ee maamulkaas.
Puntland oo ay horay u qabatay doorashooyin qof iyo cod golayaasha deegaanka ayaa hadda isu diyaarineysa inay mar kale ka qabato degmooyin cusub, iyadoo aanay wali doorasha dadweyne aysan ka dhicin gobolka Banaadir iyo maamulada kale ee dalka ka jira.
Puntland ayaa lagu ammaanay hannaankii doorashadii golaha deegaanka ee 2023.
HBN NEWS DESK