Wasaaradda Waxabarashada Puntland ayaa sheegtay in ay canshuur ay ka qaadi doonto barayaasha Dugsiyada iyo kuwa Jaamacadaha dhiga ee deenadeeda maamulkaasi wixii dabayaaqada Sanadkaan 2024-Ka, kadib war saxafadeed ka soo baxay.
Sida oo kale warka ka soo baxay wasaaradda Waxbarshada Puntland ayaa lagu sheegay in Warqadaan ay si toos ah ugu socoto masuuliyiinta iyo macalimiinta ka shaqeeya Dugsiyada Hoose/Dhexe/Sare, Macaahida iyo Jaamacadaha, waxaana ay ku amartay in ay bixiyaan cashuurta ku Waajibtay Mushaharkooda Bil walba ah, iyada oo laraacayo si waafaqsan nadaamka cashuuraha Puntland.
Waxaa Wasaaraddu ka dalbatay masuulitiinta goobaha waxbarashada in ay warbixinta biil bixinta ku muujiyaan Cashuurta heshiishka ay la galayaan Macalimiinta, taasi oo ka dhigan in si toos ah ay ula soco doonto dhaqaalaha soo gala bare walba.
Puntland ayaa sheegtay in Cashuurta Mushaharka Macalimiinta uu bilaaba doono bisha September 2024, sida ku cad warqada wasaaradda Waxbarashada ee Puntland.
Shacabka Soomaaliyeed oo siyaaba kala duwan uga hadlay ayaa sheegay in wax weyn ka tari doonto dhaqalaaha waxbarashada deegaanada Puntland, halka qaarkood ay ku maadsadeen, ka dib warqada oo baraha bulshada ku baahday.
HBN ONLINE TV

