Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ku fuliyey askari ka tirsanaa ciidanka Booliska gaarka ah ee maamulkaas oo dhawaan qof shacab ahaa u dilay lacag dhan laba doolar.
Askarigan xukunka toogashada lagu fuliyay ayaa nin masaafur ahaa oo gaarigiisa wata u dilay lacag $2 doolar aheyd oo sida la sheegay u rabay qaab baad ahaan ah.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Berdaale ee gobolka Baay dhamaadkii bishii Novembar ee sanadkan 2025, kadib muran lacageed oo u dhexeeyay eedeysanaha iyo marxuumka dhintay.
Toogashada Askarigan ayaa ka dhacday fagaare ku yaala duuleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxaana lagu magacaabi jiray askriga xukunka lagu fuliyay Cabdisamad Xasan Madnuur. Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa askarigan ku xukuntay dil toogashada ah oo ah qisaasta marxuum uu horay u dilay oo isna lagu magacaabi jiray Cabdiwahaab Cabdiraxmaan Yuusuf.
Goobtaab dilka toogashada ah ka dhacday waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, saraakiil ciidan, iyo ehelada marxuumkii la dilay iyo kan la qisaasta lagu fuliyay.
Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir ayaa goobta ka sheegay in xukunkaasi uu fariin cad u dirayo ciidamada, isagoo ugu baaqay in hubka ay u adeegsadaan la dagaalanka cadowga, islamarkaana aysan ku xadgudbin shacabka ay u dhaarteen ilaalintooda.
Dhanka kale Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 60-aad ayaa sidoo kale xukun laba sano oo xabsi ciidan ah ku riday Salaad Ibraahim Xuseen (Salaad Yare), kadib markii lagu helay inuu ku lug lahaa falal burcadnimo oo sababay dil iyo dhaawac dad shacab ah, kuwaas oo ka dhacay wadada isku xirta gobolada Baay iyo Gedo.
Hbn Online Tv

