Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Alshabaab, kadib shir amni oo heer sare ah oo ka dhacay Madaxtooyada magaalada Baydhabo. Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa guddoomiyey kulankan oo lagu gorfeeyay xaaladda amniga iyo dardar-gelinta howlaha lagula dagaalamayo kooxda.
Shirka Golaha Amniga oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiirrada Amniga iyo Arrimaha Gudaha, Taliyeyaasha Ciidamada iyo saraakiil ka tirsan AUSSOM, ayaa lagu falanqeeyay dilalkii dhawaan ka dhacay Wanlaweyn iyo sidii looga hortagi lahaa weerarrada joogtada ah ee Alshabaab. Mas’uuliyiintu waxay isla garteen baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka ah.
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku adkeeyay hay’adaha amniga inay kordhiyaan feejignaanta, ayna qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo lagu sugayo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu sheegay in maamulka uu qaaday tallaabo siyaasadeed iyo mid ciidan oo lagu jebinayo sida uu hadalka u dhigay awoodda Alshabaab ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, kulank waxaa qeyb ka ahaa Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo maamulka iyo adigu isla garteen in dadkii kaalinta kulahaa dagaalladii ka dhacay Wanlaweyn in garsoorka la horgeeyo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay ciidamada qalabka sida ee howlgalada qorsheysan ka wada gobollada Koofur Galbeed, isagoo ku tilmaamay laf-dhabarta nabad-sugidda gobolka. Wuxuu ballan qaaday in maamulka Koofur Galbeed uu bixin doono taageerada loo baahan yahay si loo xaqiijiyo amni waara oo shacabka ku nastaan.
HBN ONLINE TV

