Maamulka Koofur Galbeed oo ku baxay dagaal beeleedyo ba’an oo ka dhacay magaalada Diinsoor ee gobolka Baay soona saaray awaamir culus

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu horkacayo Wasiirka Amniga ayaa u tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay sidii xal waara looga gaari lahaa dagaal beeleedyo ka dhacay deegaankaasi oo sababay qalalaase iyo barakac qoysas badan.

Masuuliyiintan ayaa ugu horeyn u tagay inay kormeer ku sameeyaan goobahaasi, halkaas oo ay colaadaha ka abaabuli jireen labada maleeshiyo beeleed. Saraakiishaan ayaa ku guuleystay inay kala dhex galaan beelihii dhawaan ku dagaalamay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kuwaasi oo is hor fadhiya.

Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa baaq u diray bulshada ay khusayso, isagoo ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo nabadda.

Xasan waxa uu tilmaamay in Wasaaradiisa ay diyaar u tahay wada shaqeyn iyo garab istaaga bulshada si deg deg wax looga qabto hadii ay dhacdo xaalad deg deg ah, waxa uuna ku booriyay dadka deegaanka inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amaanka.

Waxa uu ku dhiiri galiyay madaxda iyo waxgaradka beelaha in ay ka wadahadlaan, xal rasmi ahna laga gaaro colaadaha ka taagan deegaanka iyo xuduudaha maadaama ay gobolkaasi ku soo noqnoqdeen dagaal beeleedyo.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa deegaano badan oo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ka dhacayay dagaalo beeleedyo, sida Baraawe, Qoryooley, Wanlaweyn, Diinsoor iyo Buurhakaba.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed