Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ayaa qaaday howlgallo xooggan oo ka dhan ah isla markaana cagta mariyay isbaarooyin sharci darro ah degmada Bardaale ee gobolka Baay, halkaasi oo ay lacago looga qaadi jiray gaadiidka iyo dadka deegaanka.
Taliyaha Saldhiga Booliska Gobolka Baay ee Degmada Bardaale, Amiin Madruur, ayaa ku nuux-nuux saday inaysan u dulqaadan doonin isbaarooyinka, isla-markaana ay tallaabo cad ka qaadi doonaan dadka ku howlan arrimhaas lagu dhibaateynayo gaadiidka iyo dadweynaha.
Wasiirka Amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed oo dhawaan booqday degmada Bardaale ayaa sheegay in lagu guuleystay qaadista Isbaarooyin badan oo la dhigay goobo kala duwan ee gobolka ah.
“Maleeshiyaadkii isbaarooyinka dhiganayay qaarkood waa ay isa soo dhiibeen, qaarna waa ay isaga carareen degmada, waxaan ugu baaqayaa in ay isa soo dhiibaan, looma dulqaadan doono mar dambe oo isbaaro la dhigto”ayuu yiri Wasiir Xasan Cabduqaadir.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada ammaanka ayaa howlgallo lagu burburinayo isbaarooyinka sharci darrada ah waxa ay ka wadeen degmada Bardaale kadib cabasho ka timid dadka deegaanka iyo wadayaasha gaadiidka dadweynaha.
HBN NEWS DESK