Maamulka Jubbaland oo ka hadlay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aaden, ayaa si cad uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay xukuumadda Somaliland, isaga oo si weyn uga fogaaday inay Jubbaland ka jawaabto arrimaha masiirka dalka. Wuxuu xusay in Soomaaliya leedahay dowlad dhexe, isla markaana arrimaha heer qaran ay tahay in masuuliyadooda ay qaataan madaxda dowladda loo dhaariyey.

Maxamuud Sayid ayaa yiri: “Looma baahna inuu qof kale ka hadlo, iyagaa siyaasadda dibadda hoggaamiya. Iyagaa laga rabaa dalkaan midnimadiisa, difaaciisa & ciddii ku soo xad-gudbaysa, Masuuliyad Jubbaland u taalo maaha, arrintaan waa heer qaran.”

Wuxuu intaa ku daray in Jubbaland ay tahay xubin ka mid ah maamullada dowladda, ayna aaminsan tahay in abaabulka iyo jawaab bixinta arrintan ay gacanta ku hayso dowladda dhexe. Wuxuu sidoo kale sheegay in hadalada maamullada kale ay yihiin warbadni, isla markaana go’aanka rasmiga ah uu yahay mid dowladda dhexe.

Su’aalaha ku saabsan “halka Jubbaland ka taagan tahay go’aankan” ayuu Madaxweyne ku xigeenka maamulka ka meermeeray dhowr jeer, isaga oo ku adkeystay in go’aankooda uu yahay “midka dowladda Soomaaliya”, ayna maamulkiisu u arkin inay wax jawaab ah ka bixiyaan tallaabada Israa’iil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed