Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si weyn uga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne, xilli uu socdaal ku marayay magaalada.
Yuusuf Dabageed oo ka hadlayay xaalada adag ee maamulkaasi soo wajahday, gaar ahaan arrimaha ku aadan khilaafka Hirshabeelle ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in si deg deg ah xal looga gaaro, si loo yareeyo saameynta ay yeelan karto dadaallada horumarineed ee maamulkaas.
Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay saameynta colaada Beledweyne iyo Hirshabeelle ku yeelatay horumarka gobolka ayaa ku nuux nuuxsaday in ay muhiim tahay in xal lagu gaaro wada hadal iyo wadashaqeyn.
Waxa uu qiray cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka ka dhex aloosan maamulkaasi, waxa uuna ku booriyay in laga wada hadlo waxyaabihii dhaliyay khilaafka.
Yuusuf Dabageed oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wada jirka bulshada. Wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay mudnaanta siiyaan wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta, isagoo carrabka ku adkeeyay mas’uuliyadda la wadaago si looga gudbo caqabadaha loogana shaqeeyo mustaqbal barwaaqo leh.
Baaqa Madaxweyne ku xigeenka ee ku aadan dib u heshiisiinta iyo wada hadalka ayaa ku soo aadaya xili magaalada Beledweyne ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay wadaan saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA Sanbaloolshe, Taliyaha Ciidanka Macawsleyda, Cali Jaytse iyo Xildhibaano kuwaas oo ku kulmay magaalada.
HBN NEWS DESK