Maamulka Hiiraan oo Beledweyne soo rogay awaamiir adag oo ku saabsan amniga iyo hubka sharci-darrada ah

Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa lagu soo rogay awaamiir adag oo amniga la xiriira, kadib markii maamulka gobolka uu ku dhawaaqay tallaabo lagu joojinayo hubka sharci-darrada ah ee lagu dhex wato caasimadda gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed, ayaa soo saaray amar culus oo si cad u mamnuucaya in magaalada lagu dhex qaato hub aan sharciyad lahayn. Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in shacabka Beledweyne ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan dhac bareer ah iyo falal amni–darro oo ay geystaan kooxo hubeysan oo uu ku sheegay tuugo.

Guddoomiyaha ayaa amray in cid kasta oo lagu qabto qori sharci-darro ah gudaha magaalada la soo xiri doono, halka cidda iska caabbisa uu sheegay in laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga.

“Wixii ka yimaada masuuliyad ahaan annagaa qaadaneyna,” ayuu yiri guddoomiyaha, isaga oo ku adkaystay in maamulka ay ka go’an tahay ilaalinta amniga shacabka.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka ayaa eedeymo culus u jeediyay odayaasha dhaqanka ee Beledweyne, isaga oo ku eedeeyay in ay faragelin joogto ah ku hayaan kiisaska dilalka xariira, taas oo keentay sida uu hadalka u dhigay in ay adkaato sidii dambileyaasha loogu gudbi lahaa cadaaladda.

Wuxuu sheegay in odayaasha qaarkood ay “soo daba ordaan” dadka falalka dilka geysta, taas oo sababsatay in xitaa saldhigga Beledweyne dadka dilalka geysta looga wareejiyo guryaha halkii lagu xiri lahaa goobtii sharciga aheyd.

Guddoomiye Maxamed ayaa digniin adag u diray odayaasha dhaqanka:“Odayaasha waxaan ugu digaynaa in arrintaas ay ka dhex baxaan,” ayuu yiri, isaga oo ku baaqay in cadaaladda loo daayo hay’adaha ammaanka iyo garsoorka.

Maamulka Hiiraan ayaa sheegay in awaamiirtan cusub ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo ammaanka magaalada Beledweyne oo muddooyinkii dambe wajahaysay falal amni-darro oo usoo kordhay.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed