Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in aan la aqbali doonin masuul aan ka warheyn degmada uu maamulo

Masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amaawiiro culus oo dhanka amaanka la xariira ayaa sheegay in aan la aqbali doonin dhacdooyin dambe oo ka dhaca magalaada Muqdisho, ka dib kulan looga hadlay amniga caasimadda oo lagu qabtay aqalka dowladda hoose ee Xamar.

Inta lagu jiray kulan loogu yeeray guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banadir oo lagu gorfanayey amniga Muqdisho ayaa la sheegay in aanay suurtagal in xubno is qarxinaya iyo gaadiidkoodii magaalada gees ka deganaadaan.

Guddoomiyaha amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh & duqa Muqdisho oo u yeeray guddoomiyaasha degmooyinka ayaa sheegay in looga fadhiyo laba arimood, in ay ka warqabaan guri kasta Muqdisho ah cidi soo gasha iyo gaadiidka iyo in ciidamada xoogga taageero u muujiyaan ee dagaalka ku jira.

Yabooh oo si kulul ula hadlay masuuliyiinta degmooyina gobolka Banadir ayaa shaaca ka qaaday in la heysto, la iskaga hari doonin falalka dhacay, isagoo faray inay qaataan masuuliyadda oo si adag u shaqeeyaan.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay Muqdisho ay ka dheceen qaraxyo iyo hoobiyaal lagu weeraray goobo si adag amnigooda loo ilaaliyo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed