Maamulka gobolka Banaadir oo shacabka Muqdisho ka dalbaday in ay amniga kala shaqeeyaan

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ka qayb galay Banaanbaxii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa Shacabka Caasimadda ugu baaqay in ay Dowladda ku gacansiiyaan la dagaalanka iyo in wadajir ah la isku kaashasho in Laga hortago weersrada kooxda Alshabaab.

Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa tilmaamay in aanay loo dulqaadan Karin in maalin weliba la duugo lagana tago Dad ku dhintay qaraxyada ay geysanayaan Alshabaab, isaga oo ugu dambeyn Shacabka usoo jeediyay in ay kaalintooda ka qaataan doorka uga furan.

“Dadkii ku geeriyooday Xeebta Liido ee Dhallinyaro u badnayd waxa aan leenahay allaha u naxariisto, waxaa la idinka rabaa in Cadawga meel uga soo wada jeesano oo isku si loola dagaalamo maxaa yeelay maalin kasta dhiig ayay dhex galgalanayaan markaasaa nin daroogeysan inta qarax lagu soo xiro oo Dadka la dhex keenno ayuu isku qarxinayaa” ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa Shacab iyo Mas’uuliyiin Dowladeed u sheegay in loo baahan yahay iskaashi dhexmara si looga hortago dhibaato weliba oo kusoo wajahan sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidan kaligii wax ma qaban karo, waxaa Shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan oo la wadaagaan xogaha ay helaan, fariinta ayaa muhiim ah in aad la wadaagtaan ciidamada oo feejignaadaan, waxa aan leeyahay hal meel aan uga soo wada jeesano” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed