Gobolka Banaadir oo la wareegay guri loo istecmaalay falal liddi ku ah Amniga Qaranka

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta la wareegay guri hanti ma guurto ah oo ku yaalla degmada Xamar-Jajab, kadib markii lagu helay in loo adeegsaday howlo khatar ku ah amniga qaranka Soomaaliya.

Bayaan rasmi ah oo uu akhriyay afhayeenka gobolka, Saalax Cumar, ayaa lagu sheegay in gurigan uu lahaa qof shacab ah oo lagu magacaabo Fahmo Warsame Gaba-yare lagu fuliyey falal halis ah oo si toos ah ugu lid ah amniga qaranka. Sidaas darteed, waxaa la go’aamiyay in laga dhigo dhul danguud ah oo hadda wixii ka dambeeya dowladdu lahaan doonto.

Warqadaha lahaanshaha ee gurigan ayaa si rasmi ah loo laalay, iyadoo la sheegay in laga saaray dhammaan diiwaannadii sharci ee uu ku lahaa galallka lahaanshiyaha.
Sida lagu caddeeyay bayaanka, la wareegidda gurigan ayaa loo cuskaday qodobo dhowr ah oo ka tirsan xeerarka ciqaabta iyo nabadgalyada guud ee Soomaaliya. Qodobbadaas waxaa kamid ah:

• Xeerka ciqaabta guud ee Soomaaliya: Qodobka 182-aad iyo 183-aad,
• Xeerka ciqaabta madaniga: Qodobbada 681, 682, 683, 684 oo lagu daray qodobka 34-aad, farqadiisa 2-aad ee xeerka nabadgalyada guud ee dalka.

“Dowladda hoose ee Xamar waxay danguud ula wareegtay dhul ay lahayd Fahmo Warsame Gaba-yare, kadib markii ay u isticmaashay ujeedo halis ah oo liddi ku ah amniga Qaranka, khatartana weli way taagan tahay,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka, Saalax Cumar.

Go’aankan wuxuu ku soo beegmayaa xilli dhowaan – 18-kii Maarso 2025 – uu qarax culus ka dhacay guri isla degmada Xamar-Jajab yaalla oo ah afaafka hore madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo si dirqi ah uu uga badbaaday Madaxweynaha Xasan Sheekh, inkastoo uu sababay khasaare ballaaran.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalka sii kordhaya ee dowladda Soomaaliya ku baabi’inayso khatarta argagixisada iyo in laga hortago in hantida gaarka loo leeyahay loo adeegsado dhibaatooyin amni darro, iyadoo dhowr jeer oo hore digniino la siiyey dad dhulalka iyo guryaha leh.

Inkastoo go’aankan uu ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir, haddana lama xusin in tilaabadan loo maray dhanka qaanuunka ama maxkamad ay xukuntay go’aanka marka laga reeboo inoo adeegsaday xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.
Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay mulkiilaha guriga la sheegay in loo adeegsanayay arrimo lidi ku ah ammaanka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed