Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga jawaabtay wararka isa soo taraya ee la xiriira cabashooyinka ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaas oo sheegayay in lagu wado barakicin ama rarid aan sharciyeysneyn.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa galabta booqasho ku tagay Suuqa Bakaaraha, halkaas oo uu kula hadlay ganacsatada deegaanka. Wuxuu xusay in uu sido amar madaxweyne oo toos ah, kaasoo ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddoomiye Muungaab ayaa si cad u yiri: “Bakaaro waa suuq xor ah wuuna ahaan doonaa gees ka gees. Cid cabira karta ama deegaameyn karta oo idinka barakicin karta ma jirto, waana amarka iyo qaraarka uu isoo faray Madaxweynaha JFS.”
Wuxuu sidoo kale digniin adag u diray cid kasta oo damac ka leh dhulka ama hantida ganacsatada: “Qof kasta oo damac ka leh dhulkan, tallaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa. Waxaan leeyahay, iimaanka Alle ha idin geliyo.”
Muungaab ayaa ugu dambeyntii ganacsatada siiyey kalsooni, isagoo yiri: “Suuqa adinkaa ku ganacsada, adinkaana maamulanaya. Nabad ku ganacsada. Suuqyada magaalada Muqdisho waa suuqyo xor ah, cidna ma xad-gudbi karto.”
Bayaankan ayaa imaanaya iyada oo horay dowladda Soomaaliya loogu eedeeyey inay iibisay dhulalka dadka guud iyo kuwa dowladda, taasi oo aanay si waafi ilaa hada madaxda dowladdu uga jawaabin u jeedka iyo sababta kaliftay. Ganacsatada iibsata dhulka danta guud ayaa looga digay in aanay maalkooda galin dhulka dowladda.
HBN ONLINE TV