Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Liido

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Madaale oo galabta jir jaara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in waxii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, isaga oo nasiib daro ku tilmamay in qof soomaali ah uu dhalin yara isku dhex qarxiyo.

Yuusuf Xuseen Madaale duqa Muqdisho ayaa intaa ku daray in shacabka xalay lagu laaley weerarkaasi ay ka ahayd mid lagu duminayo qiyamka iyo dalka Soomaaliyeed, shacabkana looga baahan yahay ini meel ay uga soo wada jeesadaan kooxaha falalkaasi ku kacaya.

“Waa nasiib daro ah in weli qof Soomaaliyeed oo magac Soomaaliyeed Sheeganaayo ee in uu muslim yahay sheeganaayo inuu qarax inta isku soo xiro dad dhalin yaro ah oo masaakiin ah intuu la dhex galo isku qarxiyo oo ummad ku baabi’iyo waa nasiib daro”

Guddoomiye Madaale ayaa dhanka kale u tacsiyeeyey ehelada iyo qoysaskii dadkii xalay ku dhintay weerarkii qaraxa ku bilowday ee ka dhacay Beach View ee xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.

Qaraxii xalay ayaa waxa ku dhinta inta la xaqiijiyey 32 ruux halka ay ku dhaawacmeen 63 qof sida ay warbaahinta u sheegeen taliska Booliska Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed