Maamulka galmudug oo xukun dil ah ku fuliyey qof ay horey xukun ugu riday Maxkamadda gobolka

Maamulka Galmudug ayaa maanta fuliyay xukun dil toogasho ah oo lagu riday Nuur Xirsi, kaasi oo horey ugu eedeysnaa dilka Marxuum Axmedwali Maxamed Salaad oo uu ugu geystay bishii July ee sanadkan deegaanka Dhagaxbuur, oo ku dhow magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xukunka ayaa waxaa horey u ridday Maxkamadda Sare ee Galmudug, kadib markii la soo gabagabeeyay baaritaanno iyo dhageysiyo rasmi ah oo la xiriiray kiiska dilka.
Eedeysanaha ayaa lagu helay dambiga dilka ula kac ah, waxaana go’aanka maxkamaddu ahaa in lagu fuliyo xukunka dilka, sida uu dhigayo Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ka socday hay’adaha garsoorka, ciidamada ammaanka, culimada iyo qoysaska labada dhinac ayaa ku sugnaa goobta lagu fuliyay xukunka.
Sarkaal u hadlay Xeer Ilaalinta Galmudug ayaa sheegay in xukunkaasi uu fariin u yahay cid kasta oo isku dayda inay ku kacdo falal la xiriira dil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed