Masuuiliyiin ka socotay maamulka Galmudug oo huggaaminayo duqa magaalda Dhuusamareeb iyo saraakiil ka tirsan laamaha Amniga ayaa gaaray deegaannada Xananleeey, Garsaalo, Afweeyne-banaan, Mareergur iyo Bidhaan-dheere oo ahaa halkii ay ku dagaalameen maleeshiyo beeleedyo, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ahaa.
Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad sugid ayaa la geeyay degaanada dagaalada ay dhaceen, waxaana lagu guuleestay in la kala qaado maleeshiyaadkii ku dagaalamey deegaanadaasi, iyada oo Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxman Geedaqorow uu hogaaminayey.
Masuuliyiinta ayaa dadka faray dadka deegaanka in colaad dambe aysan ka dhicin kana fogaadaan colaad beeleed kale in ay ka dhacaan.
Dhanka Odaayasha dhaqanka deegaanada lagu dagaalaamay oo la kulamay huggaanka ciidamda ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen baaqi nabadeed ee Ciidamada iyo wax garadka Galmudug, taasi oo lagu nabadeeynayo dadka colaada ay ka dhexeyso.
Sidoo kale maanta ayaa la filayaa la fidiyo gogasha nabadeed ee lagu heshiisiinayo qabaa’ilada, taasi oo laga furayo in la joojiyo in colaadda deegaanada lagu dagaalaamay oo duleedka magaalda Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ah.
Qaybo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa labdii todobad ee ugu dambeyey ka taagnaa coleed beeleedyo sababay dhimashada iyo dhaawac, halka qoysas si gaar ah u saameeyey sida la soo tabiyey.
HBN ONLINE TV

