Maamulka Biden oo Iiraan uga digay inay beegsato Madaxweyne Donald Trump.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee dalka Mareykanka Sean Savett ayaa sheegay in maamulka Mareykanka uu si dhow ula socday hanjabaadaha Iiran ee ku wajahan madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump muddo sanado ah, wuxuuna uga digay Tehran iney ka dhaxli doonto cawaaqib xun haddii ay weerarto muwaadin Mareykan ah.

Savett ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Maraykanku uu falkan u arko “arrin amniga qaranka ah oo mudnaanta koowaad leh” wuxuuna “si adag” u cambaareynayaa hanjabaadahaas Iiraan, ee ka dhanka ah madaxda Mareykanka ee xilalka hayaa ama kuwii horey u soo shaqeeyay.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’adaha ka hortagga hanjabaadaha ay si joogto ah oo degdeg ah u siiyaan macluumaadka lagama maarmaanka ah cutubyada ay khusayso ammaanka Trump.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu amray Xafiiska Adeegga Qarsoodiga ah in dhammaan agabka lagama maarmaanka ah la helo, sida awoodaha iyo tallaabooyinka ka hortagga ah ee lagama maarmaanka ah in la qaado si wax looga qabto hanjabaadaha ka dhanka ah Trump.

Bishii Agoosto, Iiran ayaa diiday sheegashada ah inay “ku lug leedahay qorshayaal lagu dilayo saraakiil sarsare oo Maraykan ah” oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, sida laga soo xigtay ergada Iiran ee Qaramada Midoobay, iyadoo eedeyntaasi timid ka dib markii la qabtay qof Pakistani oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay in la dilo saraakiil sarsare oo Maraykan ah falkaasi oo Tehraan lala xiriiriyay.

Trump ayaa ku dhaawacmay toogasho xilli uu khudbad ka jeedinayay isu soo bax olole oo ka dhacay gobolka Pennsylvania 13-kii bishii July, waxaana dhaawaciisa lagu tilmaamay mid fudud.

HBN ONLINE TV.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed