Dawlada dhabbaa Qadar ayaa la sheegayaa in ay ku wargalisay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee ururka Xamaas in “aan hadda ka dib aan lagu soo dhaweyn doonin” dalkeeda, sida wakaalada wararka Turkiga ee Anadoulu ay ka soo xigatay warbaahinta Israa’iil.
Warbaahinta Kanaal 12 ee laga leeyahay Israa’iil ayaa sheegtay in go’aanka la gaarsiiyay kooxda iska caabinta Falastiin “maalmihii la soo dhaafay.”
Qaar ka mid ah Senetarada xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa todobaadkan warqad u diray maamulka Biden si uu arrintan ugu caddaadiyo Qadar una beddelo siyaasadiisa ku wajahan xaaladdan.
Senatarradan oo ay hogaaminayeen Senator Roger Wicker iyo Jim Rish oo ka mid ah golaha sare ee Ciidamada Qalabka sida iyo Guddiyada Arrimaha dibada, kana kooban 12 xubnood ayaa sheegay in la joogo waqtigii la xayiri lahaa hantida masuuliyiinta Xamaas ee ku nool Qatar iyo in hogaamiyahooda Khaled Meshcal la horkeeno caddaaladda.
“In Xamaas la jabiyo waa mid la gaari karo, iyadoo soo afjarida gabbaadka nabdoon ee hoggaankeedu ku naaloonayo dibadda ay muhiim tahay in la soo gabagabeeyo,” ayay qoraalkooda ku xuseen Senatarradan.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken & madaxda laanta sirdoonka CIA-da William Burns ayaa toddobaadyadii u dambeeyay safaro joogto ah ku tagayay dalka Qadar.
Ma jiro war rasmi ah oo xaqiijinaya ama beeninaya xogtan oo ka soo baxay dawlada Qadar & ururka Xamaas.
Warqabadka HBN Online TV