Ma dhammaadkii NATO ayaa la joogaa?

Taliyihii hore ee gaashaanbuurta NATO ayaa ka digay in isbahaysigu uu burburo sababo la xiriira diidmada Maraykanka ee ku aaddan adkeynta xiriirka isbahaysiga ee u dhexeeya Yurub iyo Maraykanka.

Admiral James Stavridis, oo ahaa taliyihii hore ee NATO ee Yurub intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013 ayaa sheegay in taageerada Maraykanka ee difaaca oo isbeddelaysa ay u furi karto albaabka soo bixitaanka urur cusub oo la yiraahdo Ururka Heshiiska Yurub (ETO), halkii laga sii ahaan lahaa NATO.

Warbixinta uu qoray wakiilka wargeyska ee Maraykanka, Cameron Henderson, ayuu ku sheegay in ku adkaysiga Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu adkeystay in hoggaamiyeyaasha Yurub ay kordhiyaan miisaaniyadda difaaca, iyo khilaafka uu la galay Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ee Aqalka Cad, ay dhalisay walaac ka dhex abuurmay xubnaha NATO.

Stavridis ayaa CNN isagoo la hadlayay wuxuu yiri “Waxaan arki karnaa maalmihii dhammaadka NATO, tani waa arrin muran badan oo dood badan keentay, taasoo la xiriirta cidda taageerta dimuqraadiyad la kulmaysa weerar oo uu ula jeedo Ukraine, mise Ruushka?”

“Doodda iyo muranka ayaa abuuri doona farqi qoto dheer ee isku-duubnida, taasi oo saameyn doonta meel ka baxsan Ukraine, waxaana ay la xiriira in Maraykanka loo aamini karo saaxiib ahaan.”

Hadalada Stavridis ayaa imanaya xilli Xoghayaha Guud ee NATO, madaxweyne Zelensky iyo hoggaamiyeyaasha Yurub ee kale ay maanta ku kulmayaan London.

Henderson ayaa sheegay in wadahadallada, oo uu qorsheeyay Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer si uu u faahfaahiyo kulamadiisa uu la yeeshay Trump, ay saameyn weyn ku yeesheen kulankii kululaa ee Madaxweynaha Maraykanka uu la yeeshay Zelensky ee Aqalka Cad. Stavridis ayaa sheegay in Moscow ay ku faraxday ka dib khilaafka, taasoo uu ku tilmaamay digniin cas oo ku socota xubnaha Yurub ee NATO.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Trump uu caddeeyay inuusan doonaynin inuu ka qayb qaato taageerada Ukraine, wuxuuna tan ku tilmaamay qalad weyn oo juquraafi siyaasadeed, isagoo xusay in fiiro gaar ah lagu eegayo Yurub inay horey u socoto kaligeed oo qaadata mas’uuliyadda arrinta Ukraine.

“Haddii aan nahay Yurubiyiin, waqtigan xaadirka ah waxaan u baahan lahaa in aan kordhiyo kharashaadka difaaca, shirkadaha difaaca ee Yurub iyo dhismaha ciidamo Yurub iyo qaab-dhismeed talis oo ka baxsan NATO,” ayuu Stavridis yiri.

Shakigan ayaa sii kordhay toddobaadyadii u dambeeyay oo ku saabsan haddii Trump uu damacsan yahay inuu Maraykanka ka baxo NATO, oo ka mid yahay xubnihii wax ka aasaasay.

Trump ayaa marar badan ku baaqay in dalalka xubnaha ka ah ay kordhiyaan kharashaadka difaaca ilaa 2 boqolkiiba wax soo saarkooda ama GDP, isagoo ugu hanjabay intii lagu guda jiray ololihii doorashada in uu dhiirrigelinayo Russia inay sameyso wixii ay doonto haddii dalalka NATO ee aan ka jawaabin ballanqaadkooda kharashaadka.

Bishii hore, Trump ayaa kordhiyay dalabkiisa, isagoo ku boorriyay xubnaha NATO inay kordhiyaan kharashaadka difaaca ilaa 5 boqolkiiba.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed