Dowladda Soomaaliya ayaa diiday inay cusboonaysiiso ama bixiso oggolaanshaha duulista hawada sare ee shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia, taasoo ku qasabtay shirkadda inay beddesho waddooyinka ay u marto qaaradda Aasiya, sida ay ku warrantay wargaysa Israa’iiliga ah ee Haaretz. Go’aankan ayaa saameeyay duulimaadyada Arkia ee ku wajahan dalal ay ka mid tahay Thailand, iyadoo diyaaradaha lagu khasbay inay ka fogaadaan hawada Soomaaliya isla markaana maraan waddooyin dhaadheer oo kale.
Arrintan ayaa timid kaddib kororka xiisadaha diblomaasiyadeed, kaddib markii wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil uu booqday Somaliland, toddobaadyo kaddib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku dhawaaqday aqoonsiga Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, tallaabadaas oo ay si adag uga soo horjeesatay Somalia.
Wargeyska Haaretz ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Soomaaliya ay diideen codsiga oggolaanshaha duulista ee Arkia wax yar kaddib booqashadaas, go’aan ay mas’uuliyiin Israa’iil ahi u arkaan mid siyaasadeysan.
Isku dayo lagu doonayay in lagula xiriiro Hay’adda Duulista Hawada Rayidka Soomaaliya si faallo looga helo arrintan ayaa fashilmay, maadaama hay’addu aysan wax jawaab ah bixin illaa waqtiga la daabacay warkan.
HBN ONLINE TV

