Ma dhabbaa in Mareykanku isku dayay inuu dili Madaxweynaha Ruushka?

Afhayeenka Aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo dalka Ruushka, Dmitry Peskov ayaa ka jawaabay hadallo uu jeediyay wariye u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo Tucker Carlson, kaas oo sheegay in maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden uu isku dayay inuu dilo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Peskov ayaa maanta sheegay in hay’adaha amniga Ruushka ay qaadeen dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo sugo amniga madaxweynaha.

Tucker Carlson, oo ah wariye caan ah oo Mareykan ah, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in maamulka Biden uu “isku dayay inuu dilo” Madaxweyne Putin. Carlson ayaa sidoo kale ku eedeeyay xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken inuu si firfircoon uga shaqeynayay “hurinta dagaal dhab ah”.

Inkastoo eedaymahan ay yihiin kuwo culus, Carlson ma uusan soo bandhigin wax faahfaahin ah ama caddeyn ah oo ku saabsan sheegashadiisa. Xilliga, goobta, iyo duruufaha ku xeeran isku dayga la sheegay. Warbaahinta Ruushka ayaa si weyn u faafisay hadallada Carlson.

Isagoo ka hadlayay eedaymahan, Peskov wuxuu diiday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo, balse wuxuu caddeeyay in sugidda amniga madaxweynaha Ruushka ay tahay mudnaanta koowaad. “Hay’adaha amniga ee khuseeya ayaa qaaday tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo ilaaliyo madaxweynaha,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Ruushka, Dmitry Peskov.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed