Warbaahinta oo soo xiganaysa ilo ayaa tabisay in qaybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka ee casriga ah ee Ruushka Sukhoi-35 ay soo gaareen Iiran, inkastoo masuuliyiinta labada dal arrinkan aysan si buuxda uga hadlin.
Telefisginka Chand Thani ayaa sidoo kale ku soo waramay in diyaaradaha dagaalka ee Ruushka la geeyay saldhigga ciidamada cirka ee gobolka Hamedan ee galbeedka Iran.
Shabakada wararka ee Tabnak oo lagu xiriiriyo Mohsen Rezaei oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray ciidamada Ilaalada Kacaanka ee loo yaqana IRGC isla markaana hadda ah xubin ka tirsan Golaha Danta Qaranka, ayaa baahisay muuqaal muujinaya in ilo warbaahinta Israa’iil ahi ay ka hadleen warbixinno iskhilaafsan oo ku saabsan in Iiraan ay soo gaareen qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35 ee Ruushka.
Sida laga soo xigtay mareegaha wararka Iiraan laga leeyahay ee Middle East Spectator ayaa daabacay sawir dayax-gacmeed ah, wuxuuna sheegay in “4 hangarro oo la xoojiyay oo loogu talagalay diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35 laga dhisay saldhigga ciidamada cirka ee gobolka Hamedan, iyadoo afar hangarro kale uu dhismahoodu socdo, sidoo kale waxaa jiray warar sheegaya in guryo loo diyaarinayo lataliyayaasha Ruushka oo iman doona Iiran si ay u bixiyaan tababar iyo maaraynta shaqaalaha farsamada ee diyaaradahan.
Sida warbixintu sheegtay, “soo gaarista qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35 ee Iiran waa mid dhaw, waxaana diyaaradahan la dhigi doonaa saldhigga cirka ee Nawajh.”
Saacado ka dib markii wararkan la faafiyay, warbaahinta arrimaha ammaanka ka faalooda ee Israa’iil laga leeyahay Intly Times, ayaa soo daabacday warbixin sheegaysa in Ruushka uu Iiraan geeyay qeybtii ugu horreysay ee diyaaradaha dagaalka ee Sukhoi-35, waxaana diyaaradahaas lagu soo dhaweeyay saldhigga ciidamada cirka ee gobolka Hamedan.
Warbaahinta Iiran ayaa xustay bishii Abriil in Ruushka uu damacsanaa inuu keeno diyaaradaha dagaalka Sukhoi-35 taasi oo qayb ka ah diyaar-garowga Iiran ee ka jawaabista Israel, laakiin keenistaas dib ayaa loo dhigay markii hore, waxaana hadda u muuqata in awoodda cirka ee iIran ay xoogeysanayso, gaar ahaan kadib weerarkii Israa’iil ay ku qaaday sida ay ku andacootay nidaamyada difaaca S-300 ee Ruushku siiyay Iiraan.
Waxaa xusid mudan in inta badan diyaaradaha dagaalka ee Iran ee jiilka saddexaad, sida F-4, F-5, iyo F-14, ay yihiin diyaarado duug ah oo lixdamaadkii Mareykanku ka iibiyay Iiraan. Haddii Iiraan ay hesho diyaaradaha Sukhoi Su-35 oo ah kuwa casri ah waxay wax wayn ka tari doonaan awoodda ciidamada cirka ee Iiraan.
HBN Online TV