“Ma aqbalayno dastuurka cusub, qeybna kama nihin,” Madaxweyne Laftagareen

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa maanta jeediyey khudbad xasaasi ah oo uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).

Madaxweyne Laftagareen ayaa si cad u sheegay in Koonfur Galbeed ay ka baxday dhammaan heshiisyadii ay la lahayd DFS, oo ay ku jiraan ansixinta dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka, isagoo ku tilmaamay dastuurka cusub mid “aan loo dhamayn” oo lagu meel mariyey sida uu hadalka u dhiagy habraac qaldan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyey in dastuurka saxda ah ee la isku raacsan yahay uu yahay kii la ansixiyey sanadkii 2012, isla markaana ay ku dhaqmayaan.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxay cadeynaysaa in dastuurka KMG ah ee la ansixiyey sanadkii 2012 uu yahay midka sharciga ah ee ay Soomaali ku heshiisay, laguna dhaqmaayo” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Isaga oo adkeynaya isla hadalkaasi ayuu yiri “Waxaan diidanahay oo aanan ogolayn dastuurka cusub waa mid aan loo dhamayn oo lagu meel marsaday habraac qaldan iyo masuqmaasuq, qeybna kama nihin mana ku jirno, mana aqbalayno”.

Sidoo kale, Laftagareen ayaa sheegay in markii uu dib ugu laabtay shalay Baydhabo uu la kulmay culeysyo iyo jidgooyooyin, isagoo ku eedeeyey DFS faragelin toos ah oo uu ku tilmaamay mid xadgudub ah oo lagu hayo maamulka KGS.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey DFS inay wado qorshe lagu kala qeybinayo sida uu hadalka u dhigay bulshada iyo ciidamada, isla markaana lagu wiiqayo nidaamka federaalka. Wuxuu sheegay in ciidamada la kala fogeeyey, iyadoo qaar loo diray dagaalka Al-Shabaab, halka qaar kalena lagu reebay sida uu ku dooday gudaha Koonfur Galbeed si loo abuuro kala qaybsanaan.

Dhanka kale, maamulka KGS ayaa sheegay inuu qaadi doono tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo midnimada bulshada, iyada oo la raacayo dastuurka dowlad-goboleedka iyo kii federaalka ee 2012.

Laftagareen ayaa si kulul u cambaareeyey xanibaadda duulimaadyada rayidka ah, isagoo sheegay in garoonka diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde uu isu beddelay sida uu hadalka u dhigay “isbaaro siyaasadeed” oo lagu kala xusho dadka la xanibayo iyo kuwa la fasaxayo.

“Koonfur Galbeed waxay cambaaraynaysaa xanibaadda duulista rayidka ah, waxaa muuqata in Garoonka Muqdisho inuu isu bedelay isbaaro qof uu leeyahay oo dantiisa ka shaqeysa, cidii uu rabana lagu xanibo, cidii uu rabana la siidaayo.” ayuu yiri markale.

Ugu dambeyn, madaxweynaha KGS ayaa sheegay in arrimo badan oo ay ka mid yihiin howlgallada amniga, gargaarka iyo taageerada beesha caalamka la siyaasadeeyey, taasoo uu ku tilmaamay mid sii hurin karta xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed