Liiska Barlamanka Puntland oo la shaaciyay isla markaana lagu daray xubnihii SSC Khaatumo iyo khilaaf hor leh ii soo baxaya

Subaxnimadii hore ee saaka salaadii subax kadib ayaa waxaa si rasmi ah loo soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee Puntland oo ay ku jiraan 17 xubnood oo ka soo jeeda deegaanada SSC-Khaatumo. Ku dhawaaqistan ayaa daba socota khilaaf xooggan oo ka dhashay qaabka loo soo xulayo, iyadoo madaxweyne Deni lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo kuraas ay beeshu dooratay.

Xalay ayay musharixiinta soo bandhigeen cabashadooda, iyagoo ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu meesha ka saaray xubnihii ay soo doorteen beelaha, isla markaana uu meel mariyay habraacii liiska xildhibaanada. Ilaa hadda ma cadda heerka uu gaarsiisan yahay diidmada musharaxiinta ee xubnaha lagu dhawaaqay.

Liiskan waxa si lama filaan ah uga soo muuqday Xildhibaan Faarax Yuusuf Jaamac Dalmar oo hadda ku sugan Somaliland. Dalmar ayaa lagu qabtay dagaaladii ka dhacay Sool sanadkii hore.

Ku dhawaaqista liiska baarlamaanka ayaa ka dhigan waqti xasaasi ah oo ku jira saaxadda siyaasadda Puntland, haddana waxaa laga yaabaa in muranka habka xulista uu keeno caqabado hor leh iyo mucaaradnimo maalmaha soo socda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed