Liiska Baarlamaanka Jubbaland oo maanta laga shaaciyey lana dhaariyey

Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka u qaabilsan Jubbaland ayaa maanta shaaciyey liiska golaha wakiilladda cusub ee maamulka Jubbaland.

Xubnaha Golaha Wakiillada Jubaland ee shanta sano ee soo socota, 2025-2030 ayaa waxaa guddigu sheegay in ay soo gudbiyeen Odaysasha Dhaganka Guud ee Beelaha Jubaland.

Liiska Baarlamaanka Jubbaland ee 3-aad oo guddigu warbaahinta la wadaageen ayaa waxaa tiradoodu gaareysaaa75 Xildhibaan.

“Guddiga Madaxa-bannaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland oo cuskanaaya Dastuurka Dowladda Jubaland godobadiisa 25, 28, 29, 72, 80-aad ee waafagsan kan Dowladda Federaalka Soomaaliya godobadisa 120, 121 iyo 142-aad, waxaa sharaf u ah inay halkan ku shaaciyaan Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dowladda Jubaland 2025-2030 oo ay soo gudbiyeen Odaysasha Dhaganka Guud ee Beelaha Jubaland” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya oo sharci darro ku tilmaantay waxkasta oo ka soo baxa doorashada Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu ka wado Kismaayo ayaa sheegtay in aan marnaba la aqoonsa doonin, iyada oo ku eedeysay sida hadalka ay u dhigtay in uu sharciga si ku tuntay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed