Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta ka soo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadli doono xaaladaha guud ee ka jira Dalka.
Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labadda aqal eebBaarlamaanka dalka iyo Siyaasiyiin ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kuso dhoweyey Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey.
Imaatinka madaxweyne Laftagareen ee Muqdisho ayaa ku soo aadaya xili cilaaqaadka kala dhaxeeya dowladda uu aad u liitay, waxaana khilaafkooda lagu macneeyey mid gaaray heerkii ugu sareeyey, maadama xal u helida arintan ay ka qeyb qaateen masuuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisal wasaare Xamsa.
khilaafka u dhaxeeyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Xildhibaano gaaraya ilaa 25 oo katirsan Golaha Shacabka ay sheegeen in ay taagersan yihiin in degaannada Koonfur Galbeed ay sii joogaan Ciidamada Itoobiya, isaga oo uu sheegya Laftagareen in u uku aragti yahay xildhibaannadaasi, hadalka dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ay ku tilmaameen in uu gaf ku yahay qaranimada iyo madaxbaanida Soomaaliya.
Sida oo kale waxaa la filaa in Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamulada kale, kuwaa oo ka qeyb noqo doono shirkan oo dhowr jeer khilaafaad aan la shaacin u baaqday.
Waxaa jirta su’aalo badan oo ku saabsan ka qeyb galka Puntland ee shirka golaha madasha ee Muqdisho, maadaama ay ka maqneyd dhowrkii kulan ee ugu dambeeyey, inakasta oo ay dalbatay bishii hore in diyaar u tahay wada hadal ay la furto dowladda dhexe.
HBN ONLINE TV

