Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay, kana baxay xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii shlaay maamulkiisu uu xiriirka u jaray dowladda dhexe.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Koonfur Galbeed, madaxweyne Laftagareen oo ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada ee Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ayaa ayey sheegtay inuu iska casilay.
“Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xubin ka ahaa Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka ahaana Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Amniga iyo Dowlad Goboleedyada wuxuu si rasmi ah u shaacinayaa maanta inuu iska casilay xubinimada Xisbiga Cadaalada iyo Wadajirka” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.
Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh kama aanu hadlin go’aankan madaxaweyne Laftagareen kaga baxay.
HBN NLINE TV

