Laftagareen oo DFS ku eedeeyey in “Duullaan Qaawan” ay ku soo qaaday 

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya KGS, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya DFS ku eedeeyey inay waddo waxa uu ku tilmaamay “duullaan qaawan” iyo faragelin toos ah oo ka dhan ah maamulka uu hoggaamiyo.

Khudbad uu maanta u jeediyey ciidamo cusub oo tababar loo soo xiray, ayuu sheegay in dowladda dhexe ay adeegsanayso sida uu hadalka u dhigay ciidamo gaar ah iyo diyaarado lagu daabulayo wax uu ugu yeeray “maleeshiyaad”, kuwaas oo la geeyey deegaannada Koonfur Galbeed. Wuxuu ku eedeeyey Madaxtooydaa Soomaaliya inay kala qaybinayso bulshada, isla markaana cadaadis ku hayso degmooyin iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

‘Soomaaliya Xamar kaliya ma aha’ ayuu yiri “Laftagareen, isaga oo ku dooday in awoodda dowladnimada loo adeegsanayo cadaadis siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhan ah bulsho Soomaaliyeed Koonfur galbeed sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdicasiis ayaa sheegay in hubkii iyo agabkii dowladnimada, iyo fursadihii ka dhashay qaadista cunaqabateynta hubka, loo weeciyey sida uu ku dooday in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaannada maamulka uu hoggaamiyo. Wuxuu xusay in labadii maalmood ee u dambeysay ay jireen, sida uu yiri, “duullaan qaawan oo xishood la’aan ah.”

“Duulaan qaawan oo mooryaanimo ah ayey dowladda Federaalk ku soo qaaday Koonfru Glabeed, waxaa nasiib darro ah hubkii ciidanka in loo adeegsado deegaanada Koonfur Galbeed. Xuduudaha Koonfur Galbeed laga soo bilaabo Ex-Kontorool, Ceelberde, Bu’aale ilaa Gedo, masuuliyooda adinka eyey idin saaran tahay” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa ammaan u jeediyey ciidamada midowga AUSSOM, qeybtooda Itoobiya ee ka howlgala Koonfur Galbeed iyo saraakiisha ka qeyb qaatay tababarka ciidamo cusub, isagoo sheegay in ciidamadaas loo diyaarinayo inay la wareegaan amniga marka ay ciidamada shisheeye baxaan.

Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in askarta cusub ay heli doonaan xuquuqdooda ciidanimo oo ay ku jiraan mushahaar, dallacaad, daryeel caafimaad iyo aqoonsi rasmi ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed