Baarlamaanka Labada Aqal ee Soomaaliya ayaa maanta u codeeyey xirmooyin Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka, waxaana u codeeyay ansixintiisa xeerka 169 mudane sida uu sheegay shirguddoonka kulanka.
Mudaneyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa dood iyo dhageysi ku sameeyay xeeran sida ugu dambeyn maanta uu noqday mid ansax ah kadib markii ay u codeeyeen xeerbeegtida u ah doorashada dadka.
Baarlamaanka oo la horgeeyay xirmooyinkan baahiyaha u ah Doorashooyinka Dadweyne, Xisbiyada iyo nidaamka u gaarka ah waxa ay mudanayaashu ansixiyeen inta badan, waxaana aad loo sugayaa in loo gudbiyo Madaxweynaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadday tallaabooyin muhiim u ah doorashooyinka Qof iyo codka ah ee rajada weyn ka muujineyso in ay dalka ka qabato, laamaha fulinta iyo xeer dejinta ayaa la horgeeyay xeerarkaas muhiimka u ah Doorashada.
Baarlamaanka ayaa bil ka dheeraad ah waqtigooda shaqada shaqeynaya ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka codsaday in bishaas u hibeeyaan ka shaqeynta xeerarka udub dhexaadka u ah Doorashooyinka Qof iyo codka ah.
Xildhibaanno badan ayaa ka maqanaa kulamaddii ugu dambeeyey ee laba gole, kuwaa oo tiradoodu kor u dhaafeyso 150 mudane. qaarkood oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb galaya doorashada uu wado madaxweyne Axmed Madoobe.
HBN ONLINE TV