Hay’addaha ammaanka Maamulka Puntland ayaa shir aan caadi ahayn oo looga hadlayay amniga Gobolka mudug waxaa uu uga ka qabsoomay xarunta taliska qaybta Booliska gobolka Mudug.
Shirka oo uu gudoominayay Taliyaha Ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland Gen. Aadam Cabdi Xaashi ayaa waxaa ka soo qayb galaay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreye guuto Muumin Abdi Shire,Taliyaha ciidanka PMPF Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac,Taliyaha ciidanka madaxtooyada,Taliyaha Qaybta gobolka Mudug Gaashaanle sare Maxamuud Cabdi Xakiim.
Waxaa kale oo qayb ka ahaa shirkaan heerka saraakiil ah, Hay’adda Nabad sugidda iyo saraakiil Saraakiisha ciidamada Qalabka Sida, iyaga oo kulankooda inta uu socday ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo laxiriira amniga gobolka Mudug.
Shirka ayaa daba socday amar uu bixiyey madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu ku sheegay in laga jawaabayo cabashada shacabka ee sugida amniga iyo sidii loo soo celi laahaa kala dambeyntii ka jirtay gobolka Mudug .
Laamaha ammaanka ayaa intaasi ku daray in ay bilaabi doonaan howlgalo ka dhan ah hubka iyo daroogada oo laga fulinayo guud ahaan gobolka sida ay arbaahinta uu u sheegeen sarkiisha ciidamda.
HBN ONLINE TV

