Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo tagay Hargeysa

Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Tim Trenkle ayaa maanta sodcaal ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, halkaasi oo uu wadahadal kula yeelan doono madaxda Somaliland.

War kooban oo lagu qoray bogga Twitter-ka ee safaarada Mareykanka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay safarka safarka Tim ee Hargaysa uu yahay wadahadallo taxane ah oo ku aadan siyaasadda & arrimaha bulshada.

Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin wadahadaladaasi waxa ay ku aadan yihiin, waxaase ay ku soo aadayaan xilli dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya Somalilad iyo dadka deegaanka uu galay maalintii 18-aad, isla markaana ay ku dhinteen dad ka badan 150 qof oo u badan dhinacyada dagaalamaya iyo waliba dad rayid ah.

Sidoo kale safarkan ayaa ku soo aadayaa iyadoo wali aan la isku afgaran doorashooyinkii madaxweyne ee Somaliland ka dhici lahaa bishii November ee sanadkii la soo dhaafay.

Xuquuqda sawirada: Safaarada Mareykanka ee Muqdisho

Khadar Axmed Xiis
HBN Hargeysa

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed