Kuuriyada Waqooyi oo sheegtay in hubkeeda Nukliyeerka aanu ahayn wax lagu kaftamo

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in hubkeeda nukliyeerka uusan ahayn wax lagu gorgortamo, balse loogu talagalay dagaal dhab ah.
Bayaan ka baxay xukuumada Pyongyang oo maanta wakaaladda wararka ee Dawalda Kuuriya ee KCNA lagu daabacay ayaa lagu cambaareeyay diidmada dhowaan ee NATO iyo Midowga Yurub ay ku diideen inay aqoonsadaan Kuuriyada Waqooyi quwad nukliyeer.

Wakaaladda wararka ee Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in awoodda nukliyeerka ee waddanka uusan ahayn wax xayeysiis ah ama loo adeegsada gorgortan wax lagu beddelan karo, balse loogu talagalay dagaal toos ah oo lagula jiro xoogagga cadowga ah ee halis gelinaya madaxbannaanida qaranka iyo ammaanka shacabka.

Pyongyang ayaa markale ku celisay mowqifkeeda ah in hub ka dhigis aysan noqon karin shuruud wadahadal kasta oo ay dib ula yeelato Washington.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu xaqiijiyay in xukuumaddiisa haatan ay dooneyso inay sii waddo xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Waqooyiga Kuuriya iyo hoggaankeeda, Kim Jong Un.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Japan, Shigeru Ishiba, oo ka dhacay Aqalka Cad kaddib wadahadallo laba geesood ah, Trump ayaa yiri: “Waxaan xiriir la sameyn doonnaa Kuuriyada Waqooyi iyo Kim Jong Un aad baan isugu fiicannahay, sida aad dhammaantiin ogtihiin.”

Trump oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Waxaan u maleynayaa in qof walba ay u wanaagsanaan lahayd haddii la ilaaliyo xiriirka wanaagsan. Aniga waan la dhacsanahay, isaguna wuu la dhacsan yahay xiriirkaas”.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed