Kuuriyada Waqooyi oo shaacisay inay si adag uga jawaabi doonto “faduusha” Mareykanka

Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta ku hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo aargoosi ah oo aan la cayimin kadib markii diyaaradaha Maraykanka ee duullimaadyada fog fog sameeya ay dul mareen hawada Kuuriyada Koonfureed intii lagu guda jiray dhoolatusyo ay la sameynayeen ciidamada Kuuriyada Koonfureed, taas oo Pyongyang u aragto inay tahay tababar weerar ah oo lagu beegsado.

Diyaaradaha Maraykanka ee B-1B ayaa Talaadadii ku duulay hawada intii lagu jiray dhoolatusyo ay la sameynayeen diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Wasaaradda gaashaandhigga ee Kuuriyada Koonfureed ayaa Arbacadii sheegtay in dhoolatuskaasi uu ahaa mid lagu muujinayo awoodda iskaashi ee ka dhaxaysa labada dal si looga hortago barnaamijka hubka nukliyeerka ee horumarsan ee Kuuriyada Waqooyi.
Waxay intaa ku dartay in labada xulufo ay bilaabeen dhoolatus wadajir ah oo socday 9 maalmood soona bilowday 5tii Abriil, kaasoo lagu horumarinayay awooddooda wadajir ee miino-saarka.

Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa si joogto ah u qabta dhoolatusyo milatari oo ay ku sheegaan inay yihiin kuwo difaac ah, hase yeeshee Kuuriyada Waqooyi waxay u aragtaa inay yihiin tababaro weerar ah, waxayna si gaar ah uga dhiidhidaa markasta oo Maraykanku keeno qalab istiraatiiji ah sida diyaaradaha duulimaadka dheer, maraakiibta xambaarta diyaaradaha, iyo maraakiibta nukliyeerka ku shaqeeya.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kuuriyada Waqooyi ayaa warbaahinta la hadlay wuxuuna yiri “Tallaabada milatari ee ugu dambeysay ee Maraykanka iyo Jamhuuriyadda Koonfureed ee Kuuriya waxay si cad u khatar gelinaysaa ammaanka dalkeenna, waxayna tahay dhiirrigelin culus oo kor u qaadaysa xiisadda milatari ee gobolka ilaa heer aad u khatar ah.”

Bayaan ka soo baxay Pyongyang ayaa sidoo kale uga digay Maraykanka in ficilkiisu uu dhaawac u geysan doono ammaankiisa, iyadoo lagu sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay
“si xoog leh uga hortagi doonto isku dayga gardarrada ah ee Maraykanku ku doonayo inuu si joogto ah uga sii daro arrimaha xasillooni darrada ku haya deegaanka gobolka.”

In kasta oo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu saddex jeer la kulmay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un intii lagu jiray muddo xileedkiisii hore, isla markaana muujiyay rabitaankiisa dib ugu bilaabidda wada hadalladii burburay ee la xiriiray cunaqabataynta Kuuriyada Waqooyi iyo tallaabooyinka burburinta hubka Kuuriyada Waqooyi, haddana Pyongyang weli kama aysan jawaabin dadaalladiisa waxayna sii waday hadallo kulul oo ka dhan ah Washington iyo Seoul.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed